Akhriso: Magacyada Xarumo Al Shabaab Laga Bur Buriyay

Bayaan kasoo baxay Taliska ciidamada gaarka Mareykanka ee Africom ayaa faah faahin looga bixiyay howlgalkii ka dhacay degmada Owdheegle ee gobalka Shabeelaha hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday degmada Owdheegle in lagu dilay ilaa 4 ka tirsanaa Alqaacidda Soomaaliya, kadib markii lala beegsaday labo xarumo maaliyadeed.

“Howlgalka oo ay si wada jir ah u qaadeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibad caalamiga ah Mareykanka ayaa howlgal habeen bar ah ku qaaday xarumo Al shabaab ay ku qaadaan lacagaha” sida lagu yiri war kasoo baxay Taliska ciidamada Militaryga gaarka Mareykanka.

Dhanka kale warbixinta waxaa lagu sheegay in lagu burburiyay waxyoobo qarxo oo oo ay diyaariyeen ciidamada gaarka Al shabaab ee ku taqasusay farsameynta iyo diyaarinta waxyaabaha Qaraxyada.

War kasoo baxay Al shabaab ayaa sido kale looga hadlay waxii halkaasi ka dhacay.

“Ciidamadeena si adag ayay isaga difaaceen weerar ay ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Bangaraafta kusoo qaadeen degmada Awdheegle, Alle Mahaddiis cadawga waa ku fashilmeen ujeedkii weerarkooda Xoogagena ayaa dharbaaxo adag ku dhuftay markii damabana waxay maciin bideen duqeymo xagga cirka ah, ayuu yiri sarkaal u hadlay Idaacada ku hadasha afka Xarakada Al shabaab.

Ciidamada Militaryga Mareykanka ayaa marar badan sidaan oo kale warar uga soo saaray weeraro lagu qaaday degmooyin iyo saldhigyo Al shabaab ay ku leeyihiin gobalka Shabeellaha hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*