AKHRISO:-Madaxweyne Gaas Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Mid Kamid Ah Wasiiradiisa

Cabdi Weli Cali Gaas madaxweynaha maamul goboleedka puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland Cabdijamaal Cismaan, ilaa iyo amar dambe.

Ilaa iyo iminka lama xaqiijin arinta ka dambeyso shaqo joojinta lagu sameeyay wasiir Cabdijamaal Cismaan waxaase la isla dhax maraayaa in arimo dhowr ah oo is biirsaday aawgood shaqada looga joojiyey wasiirka xanaanada xoolaha ee puntland Cabdimaajid cismaan.

Wasiirkaan ayaa lagu eedeeyay inuu ku guul dareestay in sida uu ahaa uu u fuliyo mashruuc uu maalgelinaay Bangiga hormarinta ee Afrika (AfDB) mashruucaasi oo wax lagaga qaban lahaa Abaaraha u nugul geeska afrika.

Mashruucaani oo loogu magac daray Drought Resilience and Sustainable Livelihoods (DRLSP 2) ayaa socday ilaamaa 5 sano soomaaliya oo dhana waxaa saami ahaan kaga soo gaartay 22 milyan oo dollarka mareekanka ah Waxaane maamul goboleedka Puntland kasoo gaartay lacagtaasi 5 milyan oo doolar
Agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha ee puntland axmed keyse iyo wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha puntland cabdimaajid cismaan ayaa lagusoo eedeeyay wax isdaba marin in ay ku sameeyeen lacagahaasi.

Kol hore ayey ahayd markii warbaahintu soo bandhigtay fadeexad la xeriirta in wasaarada xanaanada xoolaha ay waxba ka qaban daawooyinkii dhacay ee loo qeybiyey howl wadeenada daaweynaaye xoolaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*