Akhriso:-Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac Qaraxii Lagu Weeraray Degmadda Hodan

Inta la xaqiijiyay 8-ruux ayaa dhimatay, 10 kalana way ku dhaawacantay qarax loo adeegsaday baabuur Toyota Surf,oo lagu weeraray xarunta Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho .

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka banaadir.

Sida uu inoo xaqiijiyay qof ku sugnaa goobta islamarkaana ka badbaaday , gaariga ayaa lagu dhuftay qeybaha hore ee Xarunta Degmadda Hodan,waxaana xiligaas ku sugnaa dad shacab ahaa iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa sidoo kale burburiyay Xafiisyadii waaxyaha Maamulka Degmada Hodan, masjid iyo dhowr guri oo ku dhowaa Xarunta Degmadda.

Dhanka kale Laamaha amniga Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegeen  in qaraxa saaka uu ka xajmi iyo tayo badnaa qaraxii 2da bishan lagu weeraray Xaruntii Degmada Hawlwadag ee Gobolka Banaadir oo iyaduna burburtay.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxaan saakay lagu Weeraray xarunta Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*