Akhriso:- Inta Askari Ee Lagu Dilay Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Katirsan Kuwa Keydka

Warar kala duwan ayaa laga heylayaa weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa keydka Kenya oo marayay deegaanka Egembe ee gobalka Mero.

Saraakiisha ciidamada amaanka Kenya ayaa sheegay in ciidamadaasi wadada loo galay xili ay doonayeen in ay qaadaan howlgal ka dhan ah garabka Alqaacidda ee ka dagaalama gudaha dalka Kenya.

Inta la xaqiijiyay saddex askari oo katirsanaa ciidamada keydka Kenya ayaa la khaarijiyay, halka tiro kale lagu dhaawacay weerarkaasi la aaminsan yahay iney ka danbeeyeen Xoogag katirsan Alqaacidda.

Inta badan ciidamo katirsan Al shabaab ka gudaha Kenya ayaa qaada weeraro dhiig badan ku daata oo dhax mara ciidamada Kenya iyo iyo weeraro lagu qaado dadka Diin ahaanta heysta diinta masiixiga.

Wargeyska Daily Star ayaa qoray warbixinta la xiriirta weerarka lagu laayay ciidamada Kenya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*