Akhriso:-Howlgalka AMISOM oo Beeniyay Warar ay Qoreen Warbaahinada Soomaalida

Howlgalka Ciidamadda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka hadlay hadal ay dhaawaantan hadal hayeen warbaahinta kaa oo ku aadanaa in ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga soomaaliya aysan si wanagsan ula shaqeyn ciidamada Dowlada soomaaliya si loo wiiqo awooda Xarakada Al-shabaab.

Bayaan kasoo baxay Amisom ayaa dhinaca kale waxaa sibuuxda loo beeniyay arintaasi ku aadan wada shaqeynta amisom iyo ciidamada dowlada iyagoona sheegay in waqti kasta ay garab istaagaan cidamada dowlada federaalka ah ee soomaaliya sidii ay ugu adkaan lahaayeen alshabaab maadama sanadaha soo aadan laqorshenayo in amniga guud ee wadanka ay sibuuxda umaamuli lahaayeen.

Dhinica kale warkan kasoo baxay masuuliyiinta ciidamada midowga Africa ee amisom ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in waxyaabaha ay hadal hayaan warbaahinta ay yihiin kuwa been abuur ah lana doonayo in qilaaf ay kadhax dhalato wada shaqeynta amisom iyo ciidamada dowlada kuwaa oo inta badan isla qaada howlgalo lagu baac sanayo xarakada alshabaab ay kafuliyaan guud ahaan dalka ayaa lagu yiri hadalkan kasoo baxay amisom.

Dalalka Uganda, Kenya, Ethiopia, siirilyoon, Djibouti, iyo wadamo kale ayaa ciidamo usoo diray soomaaliya sanadii 2007 dii si ay dowlada soomaalya kaga tageeraan ladagaalanka alshabab

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*