Akhriso:-Hir-shabeelle oo Cabasho u Gudbisay Golaha Aqalka Sare

Guddiga Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta iyo Xiriirka Dawlad Goboleedyada ,Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Senarada laga soo doortay doowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kulan kula yeeshay Xarunta Aqalka Sare Wasiirka Amniga iyo dhaqan celinta dowladd goboleedka Hirshabelle Mudane Cabdiqaadir Aadan Jeele.

Wasiirka ayaa u gudbiyay guddiga  tabashooyin ku saabsan arrimo amni ayadoo deegano ay ka mid yihiin Raage Cele,Xaaji Cali iyo Dagmada Cadale,la sheegay Ciidamada AMISOM ee Ku sugnaa Degaanadaas in ay ka bixi doonaan dhawaan.

Waxa uu sheegay in go’aanka kasoo baxay AMISOM ay walaac ku abuurtay Hir-shabeelle,islamarkaana ay Madaxda Dowladda Dhexe kala hadleen arinta bixitaanka Ciidamadda Burundi.

AMISOM ayaa dhawaan sheegtay in 1,000 askari oo ka Tirsan Ciidamadda Burundi in laga saari doono deeganadda Maamulka Hir-shabeelle,lamana sheegin sababta ka dambeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.