Akhriso:-Gudoomiye Loo Mgaacaabay Degmadda Xamar weyne

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cusmaan (Yariisow), ayaa Gudoomiye loogu magacaabay Degmadda Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Degmadda Xamar weyne ayaa gudoomiye la’aan aheyd mudooyinkii dambe kadib markii shaqo joojin iyo xarig la iskugu daray Cumar Shariif Jeeg Gudoomiyihii hore,kadib markii eedeen uu u jeediyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Xilka Gudomiyaha Degmadda Xamar weyne ayaa loo magacabay Cabduqaadir Maxamed Carab oo horey xilkaan usoo qabtay.

Sidoo kale waxa uu gudoomiye kasoo noqday Degmadda Shanaagini oo haatan gudoomiye la’aan ah,wuxuuna mudooyinkii dambe kamid ahaa shaqaalaha sare ee maamulka gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.