spot_img

Akhriso:-Diyaaradaha Mareykanka oo Duqeyn Ka Fuliyay Buuraleyda Golis

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay ka fulisay waqooyiga Somalia gaar ahaan buuraleyda Golis oo ay ku dagaalamayaan Al Shabaab iyo Daacish.

Mareykanka ayaa duqeyntaan fuliyey axaddii, waxa uuna sheegay inuu ku dilay seddex dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab.

Agaasime ku xigeenka dhanka howlgalada ee Africom Gen. Robert Huston oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ay abuureen waqti baaxad leh oo lagu sii joogteyn karo horumarka Somaliya.

Agaasime ku xigeenku waxa uu intaa raaciyey in dhawaanahan ay hoos u dhaceen weeradada Al Shabaab ay la beegsadaan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Amisom.

Duqeyntan ayaa ah tii lixaad ee Mareykanku ka fuliyo gobolka Bari gaar ahaan buuraleyda Golis, waxa uuna la beegsaday saldhigyo ay leeyihiin Al Shabaab iyo Daacish.

Africom ayaa si joogto u fulisa weeraro dhanka hawada ah oo ku baacsaneyso kooxaha kasoo hor jeeda dowladda Somalia.

Related Post

Wararka