Akhriso:-Bakhaar Hub Ugu Keydsanaa Maamulka Galmudug oo Gubtay

Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in saakay uu gubtay bakhaar ku dhax yaalay saldhig ay leeyihiin ciidamada maamul goboleedka Galmudug.

Bakhaarka gubtay oo ku yaala Deegaanka  Docol oo qiyaastii magaalada Gaalkacyo u jira 40KM.

Dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho u sheegay in dabka uu saakay kacay,islamarkaana shacabka ay cabsi ka muujiyeen qaraxyada ay sameenayeen hubka gubanayay.

Dhanka kale Maamulka Magaaladda gaalkacyo ee gobolka mudug ayaan wali wax war ah kasoo saarin bakhaarka hubka ku keydsanaa ee Gubtay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.