Madaxweynaha dowladd goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo maanta ku laabtay Magaaladda kismaayo ayaa ka hadlay Taliyayaashii shalay lagu xiray Magaaladaas oo ay Dowladda Soomaaliya magacowday.
Axmed Madoobe oo ka hadlayay is hor istaaga lagu sameeyay Taliyeyaasha ay magacawday dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inaan Jubbaland lagala tashan magacaabista Saraakiisha, taasina ay ka horimaanayso heshiiskii ay horay u wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyadda dalka ka jira.
Dhanka kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay inay nasiib daro weyn ay tahay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qeyb ka noqoto amni darada ka jirta dalka,islamarkaana aysan xiriir wanaagsan la laheyn Madaxda Maamul goboleedyadda.
Ciidamadda Nabadda Sugidda Maamulka Jubba-land ayaa shalay magaaladda kismaayo ku xiray Cali Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim oo la sheegay iney kala ahaayeen taliye iyo ku xigeenkiisa oo dowladda federaalka u magacawday Jubbaland.