Agaasimihii Hore ee NISA oo Kamid Noqday Xildhibaanadda Baarlamanka+Sawirro

Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA), General C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa ku guuleystay doorashadda kursi ka banaanaa Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Dhuusa-mareeb.

Kursigaan maanta loo tartamay waxaa 19-kii bishii hore ee August iska casilay Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamuud oo ah walaalka jeenraal C/laahi Gaafow.

Doorashadda maanta oo horey u shaaciyeen waqtigeeda guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa waxaa ku tartamayay Xiireey Muxudiin Cumar Gudoomiyihii hore ee Degmadda Deyniile ee Gobolka banaadir iyo General C/laahi Gaafow Maxamuud.

Guddoomiyihii hore ee degmada deyniile Xiireey ayaa doorashada ka hor shaaciyay in uu tanasulay,balse waxaa arinkaas ka hor yimid guddiga doorashooyinka oo sheegay in lagu kala baxo codad-ka Ergooyinka.

51-ergo oo cododkooda dhiibtay ayaa waxaa doorashadda ku guuleystay Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA), General C/laahi Gaafow Maxamuud oo helay 43-cod,  xiireey oo helay 7 cod, hal cod ayaa halaabay sida ay sheegtay gudoomiyaha.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*