Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub, oo ku geeriyooday Addis Ababa

Allaha unaxariistee waxaa dalka Itoobiya, gaar ahaan Magaalada Addis Ababa ku geeriyooday Abwaankii Soomaaliyeed Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub.

Sangub ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Addis Ababa, halkaasi oo loo geeyay daryeel Caafimaad, balse saaka ayuu geeriyooday sida qaar ka mid ah eheladiisa ay xaqiijiyeen.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa sanadkii 1944 waxa uu ku dhashay baadiyaha Magalada Dhagaxbuur ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,waxana fanka uu ku bilaabay yaraantiisa,isaga oo ka bilaabay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka iyo dhaantada,waxana sidoo kale uu ahaa Gabyaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.