Xarakada Al-shabaab ayaa war kasoo saartay la wareegitaanka ay la wareegeen Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud bartamaha dhulka Soomaliya Muddo 3-sano kadib.
Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ah Gudoomiyaha Gobolka Galguduud ee Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in muddo 3-sano go’doomin lagu hayay Ciidamada Ethopia ee ku sugnaa Degmada ceel-buur islamarkaana Mudadaas ay la kulmeen dagaalo iyo qaraxyo ay fuliyeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.
Sheekh Xasan Yacquub Cali Gudoomiyaha Al-shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa u mahad celiyay dadka deegaanka Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud oo uu sheegay in ay kaalin weyn ka qaateen halgankii dheeraa Ciidamada Ethopia lalagalay.

