Taliye ku-xigeenkii Hore ee Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA Xasan Dheere ayaa ku dhaawacmay ,askari ilaaladiisa wuu ku dhintay kadib markii kooxo hubeysan oo gaari kuwa Raaxadda watay ay weerar ku qaadeen gaari uu la socday.
Weerarkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, dableydii weerarka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay, durbadiisa Ciidamo ayaa soo gaaray.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaan.

