Qaban-qaabadii Ugu Dambeysay ee Lagu Magacaabayo Golaha Wasiirada ee Hir-shabelle oo Ka Socota Jowhar.

0

Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble ayaa wada qaban-qaabadii ugu dambeysay uu kusoo magacaabayo Golihiisa wasiirada Maamulkaas.

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa la sheegay in uu diyaariyay kala bar xubnaha Golaha wasiirada Maamulkaas, islamarkaana laga soo xulay Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo maamulka laga soo dhisay.

Cali C/laahi Osoble Madaxweynaha maamulka hir-shabeelle oo mudooyinkii dambe safaro ku tagay Magalooyinka Beledweyne, iyo muqdisho ayaa kulamo la qaatay waxgaradka iyo siyaasiyiinta deeganadaas kasoo jeeda, waxa uu kala hadlay magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulkaas.

Maamulka Hirshabeelle oo Muddo dhisan ayaa wali yeelan golo Wasiiro, waxaana Madaxweynaha maamulkaasi Cali C/laahi osoble uu dhowr jeer ka codsaday xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas in ay waqtiga Magacaabista golaha Wasiirada loo kordhiyo., si uu usoo magacaabo xubno tayo leh.

Todobaadkaan gudahiisa ayaa la filayaa in madaxweynaha maamulkaas uu ku shaaciyo liiska golaha wasiirada ee maamulkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here