Diyaaradii waday kooxda reer Brazil ee Chapecoense taasoo ka mid ah laba kooxood oo isugu soo haray finalka Copa Sudamericana ayaa shil ku gashay dalka Colombia habeenimadii Isniinta sida ay ku waramayaan warbaahinta Koonfurta America.
Warbixino ay baahiyeen Clara, Caracol iyo wargeysyo kale ayaa tibaaxaya in diyaaradda ay xaalad deg-deg ah kusoo wajahday waaxda Antioqueno ee dalka Colombia kadibna ay shilka gashay. waxaa jira dad ka badbaaday dhacdada sida ay ku warantay Clara, iyadoo gawaarida gar-gaarka deg-degga ah ay dhaawacyadii u daad gureeyeen Le Ceja Hospital waxyar kadib shilka.
DiyaaradTelemedellin ayaa sidoo kale ku warantay xilli dambe oo Isniintii ah in Sidoo kale isbitaalka San Vicente Hospital isna lagu daweynayo qeyb ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay Shilka, waxaana warar aan la hubin ay sheegayaan in 70-qofood in ka badan ay waday diyaaradda.
Ma jiraan wax dhimasho ah oo ka dhacay halkaas sida la xaqiijiyay, balse inta ugu badan rakaabka ay dhaawacyo soo gaareen sida laga soo xigtay warbaahinta.
Diyaaraddu waxey kasoo duushay Santa Cruz (Bolivia), halkaas oo ay ku ciyaarayeen kulan ka tirsan horyaalka markaas oo ay wajaheen Palmeiras, taasoo guul ku xaqiijisay hanashada horyaalka Brazil.














