Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle oo ka Bilaabatay Magaalada Jowhar

0

Howlka shirarka Farjano ee Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa ka bilowday goordhaweyd codeynta musharishiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulkaas.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle waxaa u tartamaya Sadex Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare ,Cali Cabdulaahi Cosoble iyo Cali Maxamed Carraale , kuwaa oo bilaabay in ay hada jeediyaan Khudbadaha waxqabadkooda hadii loo doorto Hogaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Inta aysan codeynta bilaaban waxaa ku dhawaaqay in uu iska casilay Musharaxnimadiisa Musharaxa Mudane Cali Maxamed Caraale oo ka mid ahaa musharixiinta ugu cad-cadaa ku guuleysiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle.

Xarunta Shirka waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaliya Sida ,Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed saraakiil ka socota Urur Goboleedka IGAD, Gudoonka Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.

Wixii kusoo kordha kala soco www.Simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here