Maamulka Soomali-land oo Ku Eedeeyay Dowlad Turkey-ga In Ay u Janjeerta Dowlada Soomaliya

0

Xili dhawaan Safiirka Turky-ga ee u fadhiya   soomaliya Ambassador Olgan Bekar,  uu ku dhawaaqay in aysan aqoonsaneen Passaporka Maamulka Somali-land ayaa arrimahaas waxaa ka jawaabay Maamulka.

Wasiir Arimaha dibada maamulka Somali-land Dr Sacad Cali Shire oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii shalay kasoo yeeray Safiirka Turky-ga u fadhiya soomaliya  Ambassador Olgan Bekar ee ku aadanaa in dowlada Turkey-ga aysan aqoonsaneen Passaporka Maamulka Somali-land.

”Baasaboorkayaga waxaa lagu tagaa wadamo badan sida qaarada Yurub, Mareykanka , Aasiya iyo wadamo badan u Turkigu ku jiro, sidaad ogtihiin Turkiga Qunsuliyad ayuu ku leeyahay Hargeysa waana mid muujineysa astaanta qaranimadeena iyo jiritaankeena” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibada Somali-land.

Dr Sacad Cali Shire ayaa Tilmaamay in Maamulka Somali-land uu yahay maamul ka madax banaan Somaliya inteeda kale kaliyah ay wali la’yihiin aqoonsi rasmi ah oo ay ka helaan qaramada Midoobe waa siduu u dhigee.

Dhanka kale Wasiir Arimaha dibada maamulka Somali-land Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay wada-hadaladii u dhaxeeyay Dowlada federaalka Soomaliya iyo Maamulka Somali-land isagoo eedeen u jeediyay Dowlada turkey-ga oo uu sheegay in ay tahay dowlad u janjeerta dhanka Dowlada Soomaliya islamarkaana loo baahan yahay dowlada Kale.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here