Siyaasi ka Tirsan dowlada Denmar ayaa dowlada ugu baaqay in laga mamnuuco dhammaan qaxootiga Muslimka wadanka soo galaya ilaa lix sano, kadib markii ay bateen dadka qaxootiga ee dalkaas galaya.
Soeren Espersen Hogaamiye kuxigeenka xisbiga khilaafsan -socdaalka ee Danish, ayaa sheegay in dadka magangalyo doonka ah Muslimka laga mamnuuca qaarada Europe, sababtoo ah waxaa loo baahan yahay “xal in loo helo sidi loo joojin laha weerarada argagixisada ayuu yiri Siyaasiga ka Tirsan Dowlada Dennish-ka.
Mr Espersen oo la hadlay Wargayska Danish, ee lagu magacaabo Berlingske ayaa sheegay in loo baahan yahay in reer galbeedka joojiso sida ay iska dhigayaan wax ma garad ooy isku sheegayaan in diinta islamka tahay diin nabadeed waa siduu hadalka u dhigee.
Dalka Denmark ayaa kamid ah dalalka sida qaxooti ahaan u galaan dadka ugu badan ee doonaya in ay gareen wadamada Yurub.

