Afhayeenka wasaaradda Amniga C/kaamil Macalim Shukri oo warbaahinta kula Hadlay Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed ee CID oo ay saakay al-shabaab weerar ku qaadeen ayaa sheegay in 7-dagaalyahan oo ka Tirsan al-shabaab in ay xarunta weerar kusoo qaadeen.
C/kaamil Macalim Shukri ayaa tilmaamay in Labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay in lagu soo weeraray meel ku dhaw Xarunta CID, iyadoo dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo gaaraya shan ruux ay isku dayeen inay gudaha u galaan xarunta, balse ay ciidamada amaanka ay ka hortageen weerarka.
“Waxay isku dayeen Al Shabaab inay weerar ku soo qaadaan Xarunta CID, waxaan si aad ah u amaaneynaa ciidamada ammaanka oo feejignaan dheeri ah ku jiray, 7 nin ayeey ahaayeen labo baabuur oo qaraxyo ah oo Surf iyo Noha kala ah ayeey wateen labo sidaas ayeey isku qarxisay, Shanta kalena ciidamada ammaanka ayaa toogtay, ciidanka Booliska hal Askari ayaa ka shahiiday.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Amniga.
Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed ee CID degmada Hodan inkastoo aysan shaacin tirade rasmiga ah ay weerarka ku dileen.








