Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka jawaabay eedeen kaga timid aabbaha askari Muslim American ah oo lagu dilay Ciraaq oo ku eedeeyay billionaireka inuusan waxba u hurin dalka.
Donald Trump ayaa eedeentaas waxba kama jiraan ku tilmaamay isagoo sheegay in uu sameeyey ama huray waxyaabo badan, sida shaqaalaynta kumanaan qof oo u badan dadka Mareykanka oo mararka qaar aan helin shaqooyin.
Khizr Khan – oo wiilkiisa Humayun lagu dilay dagaaladii ciraaq- ayaa ku eedeeyay musharaxa la magacaabay ee Jamhuuriga inuu ku xadgudbay Muslimiinta Mareykanka. “Orod oo aad soo eeg qabuuriha waddaniyiinta geesiga ee dhintay iyagoo difaacaya dalkooda America,” ayuu yiri Khan, isaga oo si toos ah ula hadlaya Trump. “Waxaad arki doontaa dhammaan diimaha, jinsi iyo qowmiyado waxaad hurtay iyo cid aad wax u tartay ma jiraan ”
Musharaxa Xibsiga Jahmhuuriga dalka Mareykanka oo ka jawaabaya eedeenta ayaa yiri “Wax badane uu soo huray ” Waxaan noolasheyda u shaqeeyay si adag. Waxaan abuuray kumanaan iyo kumanaan shaqooyin, waxaan, dhisay dhismooyin waa weyn. Waxaan gaaray guulo waa wayn. Waxaan qabaa inaan sameeyay wax badan”,
Ninka Dhawaan aqbalay Musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar walba lagu eedeeyaa in uu yahay nin inta badan Neceb dadka Muslimiinta, isagoo dhawaan sheegay haduu ku guuleysto doorashada dalkaas uu Mareykanka ka Mamnuuci doono dadka muslimiinta ah.

