Faah-faahin ku Saabsan Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta  Dambi Baarista CID-da Degmada Hodan(Sawirro)

0

Dowlada Soomaliya ayaa sheegtay in lasoo afjaray weerar lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen al-shabaab oo barqanimadii maanta lagu qaaday Xarunta Dambi barista CID-da ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray in labo qarax oo gaari loo adeegsaday lagu weeraray xarunta CID, kadibna rag hubaysan ay isku dayeen inay galaan. Xarunta Gudaheeda.

Wasiirka ayaa sheegay ciidamada ammaanka inay toogteen saddex nin oo isku dayaysay inay galaan xarunta waa siduu hadalka u dhigee, wuxuuna sheegay inaysan jirin Khasaare soo gaaray ciidamada Dowladda soomaliya ee xarunta ku sugnaa.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa hadalkiisa ku daray in ay soo gudbin doonaan qasaaraha soo gaaray dad shacab ahaa oo ku sugnaa xarunta Gudaheeda markuu weerarka dhacayay.

Inta la xaqiijiyay Sagaal-ruux oo afar kamid ah ay yihiin raggii weerarka soo qaaday ayaa dhintay  sida dowlada ay sheegatay 15-kalena wey ku dhaawacmeen.

14699527651f7ff 1469952764c17a2 1469952762d715c

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here