Ciidamo Cusub oo Wadanka Uganda ka socda oo Muqdisho soo Gaaray(Daawo Sawiradda)

0

kooxdaan cusub oo ciidamada Uganda ka tirsan oo lagu magacaabo UGABAG XIX waxaana ladoonayaa in lagu bedelo Ciidamo kale oo ka mid ah Ciidamada Uganda oo horay ugu sugnaa Somaliya oo la yiraahdo UGABAG kuwaas oo la sheegay in ay dhamaysteen muddo hal sano ah oo loogu talagalay in ay Somaliya Joogaan.

Dawlada Uganda ayaa waxaa ay tahay wadanka ay ka socdaan ciidamada ugu badan ee midowga Africa ee Somaliya ka hawgala waxaana ka jooga ciidamo gaaraya 6,700 askari oo military ah.

Ciidamadaan ayaa waxaa hogaaminaya Anthony Mbuusi Lukwago waxaana ay magaalada Muqdisho soogaareen shalay oo Axad  ahayd waxaana loo sii qaadi doonaan Gobolka Shabeelaha hoose sida lagu daabacay barta ay internetka ku leedahay AMISOM.

Taliyaha qaybta ee ciidamada Uganda ayaa sheegay in ciidamadaan in ay ku kalsoonyihiin islmarkaana aysii kordhin doonaan guushii ciidmada AMISOM ay horay uga gaareen dagaalka ay ka wadaan Somaliya.

28326806386_637a56b033_m 27744320844_94a09e4cb7_m 28326793316_cd5f0060a5_m 28256841462_5e8441b12a_m 28256840002_ab711c50df_m 28077878820_bd0d85c7b7_m 28077871300_a430fd33f5_m 27744723253_242fdd32c3_z

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here