Maamulka Somali-land ayaa war kasoo saaray dagaalka maanta ka dhacay Deegaanka Bood Ee Gobolka Sanaag, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somali-land iyo Kuwa Maamulka Puntland.
Wasiirka Gashaandhiga Maamulka Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay inuu Dagaal Ciidanka Maamulka Puntland iyo Somaliland uu ku Dhex Maray Deegaanka Bood Ee Gobolka Sanaag Kuwaas oo Ay Duulaanka Ku Soo Qaadeen sida uu sheegay wasiirka Ciidanka Puntland goob ay Diiwaan Galinta codbixinta doorashada ay ka socotay.
Waxa uu sheegay Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami in ay ciidan badan ka qabteen maamulka Puntland Kana Gubeen Gadiid dagaal Halka ay Hadda Gacanta ku hayaan Amaanka Gobolka Sanaag Ciidanka Somaliland Diwaan Galintu U Socoto Sidii Loogu Tallo Galay.
Dhanka kale Gudoomiyaha Deegaanka Bood Ee Gobolka Sanaag Maamulka Puntland ugu magacaaban ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen ciidamo Somali-land ah islamarkaana uusan jirin qasaaro sidaas u weyn oo Ciidankooda soo gaaray.
Warar soo baxaya ayaa ku waramaya in ciidamada Somali-land ay gacanta ku dhigeen Xildhibaan ka Tirsan Maamulka Puntland oo lagu magacaabo Maxamed Faarax aadan (canjeex).

