Faah-Faahin:-Ciidamada Somali-land iyo Kuwa Puntland oo ku Dagaalamay Deegaanka Bood Ee Gobolka Sanaag

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Bood Ee Gobolka Sanaag ayaa ku waramaya in ciidamada Somali-land iyo kuwa Puntland in ay ku dagaalameen deegaankaas.

Labada ciidan ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan dad ku sugan Deegaanka Bood Ee Gobolka Sanaag ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Somali-land iyo Puntland oo aad u fara badan in la geeyay Gobolka Sanaag.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulada Somali-land iyo Puntland oo loOgu hadlaayo dagaalka ka dhacay Deegaanka Bood Ee Gobolka Sanaag oo kamid ah deegaanada ay ku muran yihiin Labada Maamul.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here