Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Generaal Maxamed aadan Axmed (Bood) ayaa sheegay in Cadaalada la hor keeni doono dad lagu tuhmaayo In ay hub iyo Gaadiid kala baxeyn Xarunta Madaxyooyadda Soomaliya inta uusan xilka la wareegin Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.
“Cadaaladda ayaa la Horkeeni doonaa cid walba oo si sharcidaro ah hub iyo gaadiid kala baxday Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya”, dowladda kama daba hari doonto shaqsiyaadkaas”, ayuu bartiisa twitter-ka kusoo qoray Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili todobaadkii aynu soo dhaafnay ay soo baxeyn in hub iyo gaadiid lagala baxay Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya waxaa xiligaan Madaxtooyadda ku sugnaa Madaxweynihii Hore Xasan Shiikh Maxamuud.


