Ra’iisal wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta CID-da

0

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa cambaareeyay qaraxii argagixisadu ku qaadeen saaka xarunta dhexe ee hogaanka baarista dambiyada ee ciidanka booliska Soomaaliyeed ee CID.

Sidoo kale waxa uu Mudane Carteh isaga oo ka xun kana damqanaya dhibaatada ay kooxa argagixisadu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan dadkii ku dhintay falkaas, waxa uuna Alle uga baryayaa inuu cafimaad siiyo dadkii ku dhaawacmay.

‘’Waxaan aad uga xumahay oo aan dhibaatada iyo xanuunka la dareemayaa shacabka Soomaaliyeed ee qasaaruhu ka soo gaadhay qaraxii saakay, Xukuumad ahaan waxaan wadnaa dadaalo lagu cidhibtirayo cadowga ummada Soomaaliyeed laguna xaqiijinayo amniga dalka si dadkeenu ay nabad ugu noolaadaan”.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa bogaadiyay sida ay ciidanka amaanku ugu guuleysteen soo afjaridda falkii kooxa nabaddiidka ku qaadeen xarunta CIDda, waxuuna ku amaanay sida ay heeganka ugu yihiin ilaalinta amniga Ummada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Mudane Maxamed Cumar Carteh waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago dhibaatooyinka lala damacsanyahay shacabka Soomaaliyeed.

 

—–DHAMAAD—–

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here