Diyaarado Dagaal oo Maanta Duqeeyay Deegaanka Berxaano ee Gobolka Jubbada Hoose+Dhageyso

0

Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa maanta ku dagaalamay deegaano dhanka Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Ciidamada Huwanta ayaa dagaal ku qaaday deegaanka Berxaano oo qiyaastii 40 KM dhanka Galbeed uga beegan magaalada Dekadda leh ee Kismaayo, oo ay ku sugan Yihiin Ciidamada Al-shabaab waxaa sidoo kale dagaalka dhanka hawada kaga qeyb qaadanayay Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka oo deegaanka duqeeyay.

Qof kamid dadka deegaanka Berxaano oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Kenya iyo kuwa Dowlada soomaliya oo Taageero ka helaya ciidamada Mareykan-ka ay deegaanka soo wareereen balse dagaal kadib ay caawa deegaanka ku sugan yihiin ciidamada al-shabaab.

Dhanka kale warar lagu baahiyay Baraha al-shabaab taageera ayaa lagu sheegay in ciidamada dagaalka soo qaaday ee dowlada iyo Kenya in laga adkaaday islamarkaana ay haatan deegaanka ku sugan yihiin Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here