C/kaamil Macalim Shukri  :-7-dagaalyahan oo ka Tirsan Al-shabaab ayaa Weerar kusoo Qaaday Xarunta CID-da+Dhageyso

0

Afhayeenka wasaaradda Amniga C/kaamil Macalim Shukri oo warbaahinta kula Hadlay Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed ee CID oo ay saakay al-shabaab weerar ku qaadeen ayaa sheegay in 7-dagaalyahan oo ka Tirsan al-shabaab in ay xarunta weerar kusoo qaadeen.

C/kaamil Macalim Shukri  ayaa tilmaamay in Labo  gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay in  lagu soo weeraray  meel ku dhaw Xarunta CID, iyadoo dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo gaaraya shan ruux ay isku dayeen inay gudaha u galaan xarunta, balse ay ciidamada amaanka ay ka hortageen weerarka.

“Waxay isku dayeen Al Shabaab inay weerar ku soo qaadaan Xarunta CID, waxaan si aad ah u amaaneynaa ciidamada ammaanka oo feejignaan dheeri ah ku jiray, 7 nin ayeey ahaayeen labo baabuur oo qaraxyo ah oo Surf iyo Noha kala ah ayeey wateen labo sidaas ayeey isku qarxisay, Shanta kalena ciidamada ammaanka ayaa toogtay, ciidanka Booliska hal Askari ayaa ka shahiiday.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Amniga.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed ee CID degmada Hodan inkastoo aysan shaacin tirade rasmiga ah ay weerarka ku dileen.

1469959777b4f91 1469959780cae86 14699597749bd92 14699597753a308 14699597783be74 146995978240c94 1469959782385da 14699597809825f

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here