Maamulka Somali-land oo ka Hadlay Dagaalka ka Dhacay Deegaanka  Bood Ee Gobolka Sanaag.

0

Maamulka Somali-land ayaa war kasoo saaray dagaalka maanta ka dhacay Deegaanka  Bood Ee Gobolka Sanaag, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somali-land iyo Kuwa Maamulka Puntland.

Wasiirka Gashaandhiga Maamulka Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay inuu Dagaal Ciidanka Maamulka Puntland iyo Somaliland uu ku Dhex Maray Deegaanka  Bood Ee Gobolka Sanaag  Kuwaas oo Ay Duulaanka Ku Soo Qaadeen sida uu sheegay wasiirka Ciidanka Puntland goob ay Diiwaan Galinta codbixinta doorashada ay ka socotay.

Waxa uu sheegay Wasiir  Axmed Xaaji Cali Cadami  in ay ciidan badan ka qabteen maamulka Puntland Kana Gubeen Gadiid dagaal Halka ay Hadda Gacanta ku hayaan Amaanka Gobolka Sanaag Ciidanka Somaliland Diwaan Galintu U Socoto Sidii Loogu Tallo Galay.

Dhanka kale Gudoomiyaha Deegaanka  Bood Ee Gobolka Sanaag Maamulka Puntland ugu magacaaban ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen ciidamo Somali-land ah islamarkaana uusan jirin qasaaro sidaas u weyn oo Ciidankooda soo gaaray.

Warar soo baxaya ayaa ku waramaya in ciidamada Somali-land ay gacanta ku dhigeen Xildhibaan ka Tirsan Maamulka Puntland oo lagu magacaabo Maxamed Faarax aadan (canjeex).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here