Maxkamad ku taala Magaalada Ankara ee dalka Turky-ga waxaa maanta kasoo hor muuqday Taliyihii Saldhiga ugu wayn ee ay ka hawlgalaan Ciidamada Cirka Turkiga (Incirlik) waa General Bekir Ercan Van iyo Taliyihii hore Ciidamada Cirka, General Akın Öztürk.
Labada Taliye ayaa lagu eedeynayaa in ay wax ka ogaayeen Afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay habeenkii jimcaha sabtida ay soo galaysa dalka turkey-ga.
Sidoo kale 24 kale oo janaraalo ahaa, ayaa la horkeenay Maxkamadda Magaalada Ankara, ka dib markii ay laamaha ammaanka siyaabooyin kala duwan uga soo qab qabteen magaalooyinka dalkaasi.
Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga, ayaa wacad ku maray in kuwii dadka ku laayay dalkaasi habeenimadii Jimcaha ay wejihi doonaan cadaaladda, laguna qaadaayo waxa uu sharcigu ka qabo.
Wararka Xaalada dalka turkey-ga ayaa wali ah kuwa isa soo taraya waxaa jira shaqaalo, Taliyayaal Ciidan oo shaqada laga joojiyay kuwaasi oo lala xiriirinaayo afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turky-ga.






