Wararka ka imaanaya Deegaanka Bood Ee Gobolka Sanaag ayaa ku waramaya in ciidamada Somali-land iyo kuwa Puntland in ay ku dagaalameen deegaankaas.
Labada ciidan ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan dad ku sugan Deegaanka Bood Ee Gobolka Sanaag ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Somali-land iyo Puntland oo aad u fara badan in la geeyay Gobolka Sanaag.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulada Somali-land iyo Puntland oo loOgu hadlaayo dagaalka ka dhacay Deegaanka Bood Ee Gobolka Sanaag oo kamid ah deegaanada ay ku muran yihiin Labada Maamul.

