Tobanaan Kun oo qof oo mudaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn magaalada caasimada u ah wadankaas ee Ankara iyo magaalooyin kale oo wadanka ku yaala oo ay Istanbul ka mid tahay kuwaas oo taageersan madaxweynaha dalka Turkiga iyo maamulkiisa loogana soo horjeedo afgembigii fashilmay ee wadankaas ka dhacay.
Dadkaan oo wata calanka dalka Turkiga ayaa waxaa ay soo buuxdhaafiyeen wadooyinka iyo fagaarayaasha Kizilay Square iyo Taksim Square oo ku kala yaala magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ee dalka Turky-ga.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa horay ugu baaqay in lasii wado dibad baxyada ka socda wadanka Turkiga ee lagu taageersanyahay maamulkiisa.
Raisulwasaaraha Turkiga bialy yildrim oo la hadlay dibadbaxyadaas ayaa sheegay in dhamaan mucaarad iyo muxaafid ay midaysanyihiin masuuliyiinta iyo dadka shacabka ah ee wadanka ay ka guuleysteen isku deygii fashilmay ee la doonayay in maamulka lagu maroorsado.
Dhanka kale Dowladda Turkiga, ayaa waxay xilalkii ka xayuubisay sideed kun oo isugu jira Saraakiil iyo ciidanba, ka dib markii lagu helay ku lug lahaanshaha afgambiga fashilmay.

