kooxdaan cusub oo ciidamada Uganda ka tirsan oo lagu magacaabo UGABAG XIX waxaana ladoonayaa in lagu bedelo Ciidamo kale oo ka mid ah Ciidamada Uganda oo horay ugu sugnaa Somaliya oo la yiraahdo UGABAG kuwaas oo la sheegay in ay dhamaysteen muddo hal sano ah oo loogu talagalay in ay Somaliya Joogaan.
Dawlada Uganda ayaa waxaa ay tahay wadanka ay ka socdaan ciidamada ugu badan ee midowga Africa ee Somaliya ka hawgala waxaana ka jooga ciidamo gaaraya 6,700 askari oo military ah.
Ciidamadaan ayaa waxaa hogaaminaya Anthony Mbuusi Lukwago waxaana ay magaalada Muqdisho soogaareen shalay oo Axad ahayd waxaana loo sii qaadi doonaan Gobolka Shabeelaha hoose sida lagu daabacay barta ay internetka ku leedahay AMISOM.
Taliyaha qaybta ee ciidamada Uganda ayaa sheegay in ciidamadaan in ay ku kalsoonyihiin islmarkaana aysii kordhin doonaan guushii ciidmada AMISOM ay horay uga gaareen dagaalka ay ka wadaan Somaliya.








